Baarlamaanka Warar 

58 Xildhibaan oo ka shiray sidii dalka loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod ah

Xildhibanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan xalay isugu yimid Mogadishu ayaa sheegay in ay ka hadleen midnimada Baarlamaanka, samata-bixinta dalka iyo gaarsiinta doorasho Qof iyo Cod ah.

Tirada mudanayaasha ka qeyb-galay kulankii xalay oo gaarayay 58 xildhibaan, ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed lagu celin doonno awooda si ay u doortaan qofka ay doonayaan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in baaqa xildhibannada iyo ridistii xukuumadda ay hoosta ka xariiqeyso qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb.

Hoggaamiyaaha Maamul-Gobolleedyada ayaa horay isugu raacay in dalka aysan ka dhici karin xiligan doorasho Qof iyo Cod ah, waxaana taas beddelkeeda ay soo jeediyeen doorasho loo dhanyahay oo dad-ban.

Warar kale oo la xiriira