Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay dib-u-eegista iyo ku-noqashada miisaaniyadda sannadka 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 21-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ka dhacay xarunta ku-meel-gaarka ee Villa Hargeisa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay dib-u-eegista iyo ku-noqashada Miisaaniyadda sannadka 2020.

Wasiirka Maaliyadda Cabdirxmaan Ducaale Beyle, ayaa Golaha Shacabka todobaadkii hore ka hor akhriyay ku noqoshada miisaaniyadda, waxaana uu sheegay sababta keentay in miisaaniyada lagu noqdo ay tahay xaaladdo soo kordhay oo uu kamid yahay xanuunka COVID-19.

143 xildhibaa ayaa oggotaatay, waxaa diiday 3 mudane mana jirin  mudane ka aamusay, sida Guddoonka Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay.

Wasiir Beyle, ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay meel-marinta dib-u-eegista ku-noqashada Miisaaniyadda sannadka 2020.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira