Baarlamaanka Warar 

Maanta maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa.

Fadhiga maanta ayaa ajandihiisa uu yahay, sii wadida dib-u-eegista Miisaaniyadda 2020 iyo ka doodida iyo u codeynta wax ka baddalka sharci number 75, qodobkiisa 10-aad ee muda xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Golaha todobaadkii hore hortagay waxaana uu ka jawaabay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aadan arrimaha Miisaaniyadda.

“Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay meel mariyaan dib-u-eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda howlaha Dowladda.ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Bayle.

Halkan kala soco kulanka

Warar kale oo la xiriira