Baarlamaanka Warar 

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay xubin kamid noqoneysa Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhigii 7-aad kulankiisa 4-aad, kaas oo ajandihiisa uu ahaa ansixinta xubin kamid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinaka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyina Xaliima Yarey ayaa Golaha ka hor sheegtay in xubinta la buuxinayo uu baneeyay mudane Kaani oo xanuunsaday, kaddiba iska casilay xilka, waxaana caafimaad uu u aaday dalka dibediisa.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa intaasi kaddib ansixiyay xubinimada, Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiya ayaa isla maanta lagu dhaariyay xarunta Aqalka Sare, waxaan la filayaa in ay shaqadeeda ay bilowdo dhowaan.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo dhoweeyay ansixinta xubinimada Marwo Sacdiya. 

Warar kale oo la xiriira