Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Waa maxay ujeedka Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud?

Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, waxaa uu ujeedkiisa uu yahay maamulka dhammaan arrimaha la xiriira maareynta Maaliyadda Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna dejinayaa mabaadi’da asaasiga iyo habraacyada diyaarinta, ansixinta, iyo fulinta Miisaaniyadda Qaranka, kormeerka gudaha, xisaabaadka, warbixnnada iyo dabagalka dakhliga, kharashka, rasumaalka iyo deymaha, sidoo kale, maareynta deynta guud iyo dhammaanadaha Xukuumadda.

Waxaa qodobada Sharcigan lagu dhaqayaa Hay’adaha Dowlad-Gobolleedyada Qaranka ilaa xadka dhigan Sharcigan si waafaqsan Dastuurka.

Jadwalka Sharcigan wuxuu islamarka lasoo saaro xaddidayaa liiska Hay’addaha Dowladda iyo Shirkadaha Dowladdu leedahay, wasiirkuna wuxuu isbedellada jadwalka xilliyeedka kusoo saarayaa Faafinta Rasmiga ah si ay ula socdaan wakhtiga.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira