Baarlamaanka Warar 

Xaliima Yarey “Hadda waan dhammeystiranahay, sagaalkii xubnood ee Guddiga Doorashooyinka wey buuxaan”

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isniintii lasoo dhaafay ansixiyay xubinimada, Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyina Xaliima Yarey ayaa Golaha ka hor sheegtay in xubinta la buuxinayo uu baneeyay mudane Kaani oo xanuunsaday, kaddiba iska casilay xilka, waxaana caafimaad uu u aaday dalka dibediisa.

“Waxaan sharaf inoo ah in sagaalkii xubnood ee Guddiga Doorashooyinka ay hadda buuxaan, waxaan u mahadcelinayaa Aqalka Sare oo anxisiyay xubinta maanta codka ay u qaadeen. Muddo ayaa kusoo shaqeyneynay siddeed xubnood”.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhigii 7-aad kulankiisa 4-aad, kaas oo ajandihiisa uu ahaa ansixinta xubin kamid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinaka Qaranka.

 

Warar kale oo la xiriira