Baarlamaanka Warar 

Beesha Muddullood oo soo dhaweysay 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare

Shalay waxaa magaalada Mogadishu lagu soo gaba-gabeeyay shirka wada-tashiga Beesha Muddullood, kaasoo socday afar cisho, waxaana ka soo qeyb-galay Duubabka Dhaqanka, Culimaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Haween iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa waxaa qeyb kamid ah looga hadlay arrimaha siyaasadda ee dalka, waxaana khudbado ka jeediyay siyaasiyiin badan oo lagu casuumay kulanka.

Mas’uuliyiintii shirka ka qeyb-gashay ayaa soo dhaweyay go’aanka Baarlamaanka kaas oo qeexay in Gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeeshay Aqalka Sare. Beesha ayaa u mahadcelisay dhammaan xildhibaannada labada Aqal iyo madaxda dowladda iyo qof kasta oo door ka qaatay mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

War murtiyeedka ayaa u qornaa sidan:-

Warar kale oo la xiriira