Baarlamaanka Warar 

Waa maxay fursadaha u banaan siyaasiga xilka ka fariistay ee hela xuquuqda siyaasiga?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa bishii Julay ee sannadkan saxiixay Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Hindise-Sharciyeedka ayaa kasoo gudbay Golaha Shacabka 5-tii bisha 12-aad ee sannadkii 2018-kii, waxaana uu soo gaaray Aqalka Sare 29-kii bishii 12-aad ee sannadkii 2019, sida waafaqsan qodobka 44-aad (1) ee xeerka Hoosaadka Aqalka Sare.

Siyaasiga xilka ka fariista ee hela xuquuqda siyaasiga ee xeerkaani xeerinaya, wuxuu ka shaqeyn karaa fursadaha kala ah:-

Xilkasta oo u qalma, oo aan wax u dhimayn haybadda iyo habmaamuska siyaasinimo uu xaqa u leeyahay.

Wuxuu geli karaa heshiisyo aan shakhsiyadda siyaasadeed, haybadda iyo hab-maamuska iyo qaranimada wax u dhimayn, si uu dakhli uga abuurto.

Wuxuu qaadan karaa dhowr la talineed (Consultancy and advisory role) ee hay’adaha iyo xafiisyada Qaranka, iyadoon aan saameyn xuquuqahiisa xeerkani xeerinayo.

Wuxuu sameysan karaa ganacsi u gaar ah, kagana qeyb geli karaa qandaraasyo fulineed ama la talineed, ee howlaha dowladda ama cid kale qabaneyso.

Wuxuu kamid noqon karaa xisbi siyaasadeed, kana qaban karaa xil kasta.

Siyaasiga xeerkaani xaqa uu u xeerinaya waa uu weynayaa xaqiisa, haddii uu Qaranka ka galay dambi wax u dhimaya Qarannimada, midnimada iyo madaxbanaanida dalka ama xuquuqda aadanaha. Dambiyada ku xusan farqadaan waa..

In uu yahay dambi maxkamadi xukuntay oo kama dambeys ah.

Haddii ay ku soo baxdo inuu dambi horey Qaranka uga galay, oo aan xiligii ku habboonaa la ogaan, wuxuu waaynayaa xuquuqdii xeerkaani u xeeriyey.

Haddii isagoo qaata xuquuqda Siyaasiga uu helo xil siyaasadeed kale, oo u waajibinaya mushaahar ama gunno dowladeed, waxaa ka joogsanaya xuquuqda naqdiga (Lacagta) ah ee siyaasiga intuu xilkaas dambe heyo, waxaana dib loogu bilaabayaa markuu dhammeysto muddo xileedka dambe.

Kaddib marka shaqadu ka dhammaato, Siyaasiga ay caddaato inuu ka maqnaa shaqadiisa in kabadan 40%, wakhtiga loogu talagalay inuu shaqeeyo, wuxuu weynayaa Xuquuqda Xeerkani Xeerinayo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira