Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Maryan Haaruun oo sheegay in aysan ansixin doonin sharciga Dambiyada la xiriira Galmada

Xoghayaha Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka ee Baarlamaanka Maryan Haruun, ayaa sheegay in sharciga Dambiyada la xiriira Galmada Dumarka uu ahaa khalad, maadaama uusan soo marin guddigooda oo aysan ku laheyn doorkooda.

Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaan nahay, waxaa ay aheyd meesha sharciga laga soo curinayo in nalooga yeero, sharcigii wasiiraddana nalooma keenin, waxaan leenahay sharcigaasi ma meel-marineyno, mana yeeleyno mana qaadaneynno, ayey yiri.

“Anniga oo qiimeynaya Guddoonkeyga, laakiin sharciga marka la keennay si il duufsi ah ayuu usoo galay guddoonka. Habeen dambe ayaan isku imaaneynnaa waxaan filayaa in wax ummadda Soomaaliyeed dan u ah ay kasoo bixi doonaan”.

Fadhigii shalay ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa hareeyay buuq ka dhashay ajandaha kulanka, kaas oo ahaa akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeed Dambiyada la xiriira Galmada Dumarka.

Xilhdibaannada ayaa ku tilmaamay sharcigan inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka, iyagoo dalbaday in dib loo celiyo, halka xildhibaanno kalena ay taageero u muujiyeen sharciga.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Ibraahim Muudeey, ayaa sheegay in iyaga ay rabaa in Dastuurka dalka u yaallay la waafajiyo Sharciga Dambiyada la xiriira Galmada Dumarka, haddii wax shareecada Islaamka khilaafaya ku jirana, Baarlamaanka ayaa laga rabaa in uu ka saaro.

“Sharciga Dambiyada la xiriira Galmada Dumarka, markii hore waxaa ku qornaa sharciga jinsiga, magaca xittaa waa la beddelay. Sharcigan cid loogu darnaanayo ma jirto”.

Warar kale oo la xiriira