Baarlamaanka Warar 

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo ka shiray kordhinta shaqadda Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xalay shir-guddoomiyay kulankii labaad ee Kalfadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta guddiyada iyo Guddonka Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa looga hadlay shuruucda la taala Golaha Shacabka iyo sidii loo kala hormarin lahaa ama mudnaanta loo kala siin lahaa maalmaha soo socda.

Guddiga sidoo waxaa uu ka hadlay sidii loo kordhin lahaa shaqadda Baarlamaanka, inta ka harsan wakhtig xileedka Golaha Shacabka.

Xoghaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Cabdikarim Xaaji Buux, oo faahfaahin ka bixinayay kulanka, ayaa sheegay in Guddiga iyo guud ahaanba Golaha Shacabka ay xoojin doonaan shaqadda dhiman.

Warar kale oo la xiriira