Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo maanta lagu wado in uu ansixiyo Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan ku leh magaalada Mogadishu, ayaa ka doodaya akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed iyo akhrinta Warbixinta Guddiga Dastuurka BFS.

Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu soo maray laba akhrin oo hore, waxaana lagu wadaa in maanta Golaha uu ansixiyo.

Warbixinta Guddiga Dastuurka BFS, ayaa sidoo kale aad loo dhowrayaa madaama dhammeystirka Dastuurka uu daba dheeraaday, iyadoo Baarlamaanka hadda jira uu horay u ballanqaaday in dooda Dastuurka ay dhammeyn doonaan inta lagu guda jiro muddo xileedkooda.

Warar kale oo la xiriira