Baarlamaanka Falanqeyn Warar 

Waa maxay xuquuqda Madaxweyne xilka xafiiska ka degay ama iska casilay?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa bishii Julay ee sannadkan saxiixay Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Hindise-Sharciyeedka ayaa kasoo gudbay Golaha Shacabka 5-tii bisha 12-aad ee sannadkii 2018-kii, waxaana uu soo gaaray Aqalka Sare 29-kii bishii 12-aad ee sannadkii 2019, sida waafaqsan qodobka 44-aad (1) ee xeerka Hoosaadka Aqalka Sare.

Sharcigan waxaa ku qoran, dhammaan xuquuqaha siyaasiyiinta dowladda, haddaba warbixinta kooban waxaan ku eegeynnaa Madaxweynaha xilka si caadi ah uga fariistay ama iskiisa uga degay wuxuu xaq u yeelanayo;-

Gunno bileedka Madaxweyne dhammeystay muddo xileedkiisa, waxaana lagu caddeeyey Qaraar Baarlamaanka Federaalka uu soo saaray, sumaddiisuna tahay Tix GSH/B-10/006/17, kaas oo kasoo baxay Golaha Shacabka Fadhigii 1-aad, kulankiisii 2-aad ee 4/Maarso 2017.

Waxaa kale oo uu xaq u yeelanayaa hab-maamuus ku habboon iyo isticmaalka baasaboorka Diplomaasiga ah iyo marinnada xurmada ee gegida diyaaradaha (VIP)-da.

Waxaa kale oo uu xaq u yeelanayaa in uu helo guri dowladeed ama mid loo kireeyo oo u qalma oo si dhammaystiran u qalabaysan. Qalab-guriyeedka duuboobay oo shan sanno mar laga beddelo.

Waxaa uu xaq u leeyahay in uu helo, baabuur magaala-joog ah oo leh darawal-dawladeed oo uu ku gaaro fagaaraha dhow iyo casuumadaha rasmiga ee lagu martiqaado iyo baabuur afar faransiyaale leh darawal oo uu ku gaari karo degaan-doorashadiisa. Daryeel caafimaad ayuu xaq u leeyahay isaga iyo qoyskiisa.

Hal unug oo suga amniga qof ahaaneed ee madaxweynaha, qoyskiisa, deggaankiisa iyo gaadiidka ilaalada amniga oo kharashkoodu oo laga bixiyo khasnadda dowladda. Waa in uu lehaa xoghaye ah hawlwadeen sare, oo khibrad leh. Kharashka bixiyaha, korontada iyo telefoonka.

Labo adeegge guri oo ah shaqaalle dowladeed, tikit dayuuradeed oo derejada koowaad ah markii uu aadayo shaqo rasmi loo diray. Kaaliye u gaar ah Madaxweynaha xilka ka fariistay oo shaqaalle dawladeed ah, ayuu xaq u yeelanayaa.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira