Baarlamaanka Warar 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo ugu baaqay madaxda in laga mira-dhaliyo shirka Dhuusamareeb

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa shalay shir-guddoomiyay fadhigii 3-aad ee kulankiisa 7-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid tahay wada xaajoodka Dhuusamareeb ee ay marti gelisay dowlad Goboleedka Galmudug iyo in la dhaqan-geliyo qodobada ka soo baxa shirka.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Buqaari ) oo kulanka marka uu soo gaba gaboobay kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu bogaadinayo go-gosha nabadeed ee ay dowlad goboleedka Galmudug dhigtay.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka kulanka.

Warar kale oo la xiriira