Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu jabiyay Dastuurka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo shir-guddoominayay kulankii Golaha Aqalka Sare ee maanta, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu jabiyay Dastuurka, markii uu shalay khudbada u jeedinayay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Hadal-jeedinta Madaxweynaha waxaan kasoo qaatay dhowr weerood oo gef ku ah sharciga, kuwaas oo kamid ah in Madaxweynaha uu yiri, “Golaha Shacabka waa aas-aaska nidaamka dowladnimadeenna, dowladnimadeenunna waa Golaha Shacabka”.

Halkaasi, waxaad ka arkeysaan in Madaxweynaha uu tuuray dhammaan sharcigii. Golaha Shacabka ma ahan dowladnimadeenna, maxaa yeelay waa Aqal kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu yiri Golaha Shacabka waa hay’adda ugu sareysa, ee matalaada Shacabka Soomaaliyeed oo aad tihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed ay soo doorteen, oo halkan u fadhiya dowlad-gobolleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale yiri, Madaxweynaha miyuusan  oggeyn in dalka uu madaxweynaha ka yahay uu qaatay nidaamka federaalka oo uu yeesho Laba Aqal ooh al Baarlamaan ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan wada hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada sida ay uga ajiibeen qabsoomidda kulankan aan caadiga ahayn, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in laga miro dhaliyo wadatashiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo salka ku haya heshiiskii siyaasadeed ee Baydhabo, kaas oo qeexaya qabsoomidda doorasho ku saleysan hannaanka dimuqraadiyadda dhammeystiran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu dib ugu soo celin doono heshiis walba oo lala gaaro Madaxda Dowlad Goboleedyada si ay kaalintooda dastuuriga ah uga gutaan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira