Baarlamaanka Warar 

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Khilaafka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa banaanka yimid kaddib markii wada-shaqeynta labada Aqal ay hoos u dhacday, isla markaana Aqalka Sare uu dhaliin xooggan u jeediyay Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo ka hadlayay khilaafka labada Gole, ayaa caddeeyay in khilaafkooda uusan salka ku heynin ansixinta iyo dooda Dastuurka dalka.

Labada Aqalka waxaa ay isku khilaafsanyihiin hab-raaca sharci dejinta dalka, ee cubtka 6-aad, madaxiisa 4-aad. Sidoo kale waxaa ay isku khilaafsanyihiin sida loo maareynayo sharciyada dalka, inta badan waxaan kasoo saarnay dekuminti sharciyeysan oo qodobeysan oo yaalla xafiisyad dowladda, ayuu yiri Guddoomiye Bukhaari.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa 16-kii bishan sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu jabiyay Dastuurka, markii uu todobaadkan khudbada u jeedinayay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Hadal-jeedinta Madaxweynaha waxaan kasoo qaatay dhowr weerood oo gef ku ah sharciga, kuwaas oo kamid ah in Madaxweynaha uu yiri, “Golaha Shacabka waa aas-aaska nidaamka dowladnimadeenna, dowladnimadeenunna waa Golaha Shacabka”.

Halkaasi, waxaad ka arkeysaan in Madaxweynaha uu tuuray dhammaan sharcigii. Golaha Shacabka ma ahan dowladnimadeenna, maxaa yeelay waa Aqal kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu yiri Golaha Shacabka waa hay’adda ugu sareysa, ee matalaada Shacabka Soomaaliyeed oo aad tihiin wakiilada shacabka Soomaaliyeed ay soo doorteen, oo halkan u fadhiya dowlad-gobolleedyada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira