Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare oo dhagax dhiggay dhismayaal Dugsiyo Sare

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane, Mowliid Xuseen Guhaad oo todobadkan gaaray Degmooyinka Garbahaarrey iyo Baladxaawo, ayaa dhagax dhiggay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin goobo waxbarashado.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare oo ay wehliyeen wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda ayaa dhagax dhigay dhismayaasha Dugsiyo Sare oo Dowladda Soomaaliya ay ka hirgelinayso Magaalooyinkaasi.

Wafdiga ayaa dhinaca kale gaaray Degmada Dooloow oo ay uga sii gudbeen Degmada Baladxaawo iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen Shacabka iyo maaulka degmadas iyo kan Gobolka Gedo .

Guddoomiye Mowliid Xuseen Guhaad ayaa dhagax dhigay dhismaha dugsi sare iyadoo goobta ay ka hadleen xubno xildhibaanada Golaha Shacabka iyo wasiiro ka tirsan XFS.

Mashaariicdan ayaa wasaarada waxbarashada Soomaaliya waxaa gacan ka siinaya dowlada Norwey.

Warar kale oo la xiriira