Baarlamaanka Warar 

Akhriso: Heshiiska Dhuusamareeb iyo nooca doorasho ee lagu heshiiyay

Saddex maamul Goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda federalka ayaa xalay heshiis ku gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Waxaase xusid mudan in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka kasoo qayb galin, waxaana madaxda ay shegeen in ay ka xunyihiin balse lama ogga go’aankooda.

Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).  

Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee   suurtogal  ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u  gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay go’aanka ku haboon uga qaataan.

Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses).

Heshiiskan ayaa u baahan in dib loogu celiyo Baarlamaanka si uu sharci u noqdo.

Halkan ka akhriso qodobada lagu heshiiyay:- 

1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)

2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.  

3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta. 

4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu

5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta  xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. 

6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.  

7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey  deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho  kale oo amni ah.  

8. In kuraasta Soomaaliland lagu  doorto qaab doorasho dadban. 

9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah. 

10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.

11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan  Aqalka Sare.

12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.   

13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.

14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka  ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.        

15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka

16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.

17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.  

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira