Warar 

Xisbiga Wadajir oo heshiiskii Dhuusamareeb 3 ku tilmaamay qabyo ay ka maqanyihiin saamiley kale iyo laba maamul

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xisbiga mucaaradka ee Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa lagu sheegay in heshiiskii Dhuusamareen uu yahay mid qabyo ah oo ay ka maqanyihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo saamiley kale oo saameyn ku leh siyaasadda dalka, kuwaas oo aan looga maarmin fulinta iyo meelmarinta heshiiska.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi uu u arko billaw gogol xaar u ah doorasho la isla oggolyahay, xilligeedana ku dhacda, taasoo laf-dhabar u ah wadajirka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka iyo geeddi socodka dhismaha nabadda iyo dowaldnimadda Soomaaliya.

Xisbiga ayaa soo jeediyay in Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda kale ee siyaasadda ee aan qeybta ka aheyn heshiiskaas wada hadal kale lala galo, si heshiiska u noqdo mid lagu wada qanco.

Halkan hoose ka akhriso:-

Warar kale oo la xiriira