Baarlamaanka Warar 

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Baarlamaanka Puntland oo ka dooday warbixino muhiim ah

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga oo kulan maanta kulan ku yaasha magaalada Garowe ayaa falan-qeeyay warbixino ay u soo gudbiyeen Wasaaradaha Wada-shaqeynta la leh guddiga.

Warbixinada ay Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL falan-qeynta ka yeesheen ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradaha kala ah;

1. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare DPL.

2. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DPL.

3. Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska DPL.

Warar kale oo la xiriira