Aragti Baarlamaanka 

Hoggaanka Madasha Xisbiyada oo ku taliyay in xal loo raadiyo khilaafka labada Aqal ee Baarlamaanka

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa sheegay in iyaga oo ilaalinaya mabadi’da Dastuurka kumeel gaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, inay ku talinayaan in xal loo raadiyo khilaafka ka dhaxeeya Labada Aqal ee Baarlamaanka, si loo helo go’aan wadar oggol ah. 

Waxaa ay ku baaqeen in farsamada hannaanka doorashada la ballaariyo ayna ka qeyb-gallaan saalimeyda siyaasadda ee ka maqan sida Puntland iyo Jubbaland, hogaanka Axsaabta iyo bulshada rayidka.

Khilaafka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa banaanka yimid kaddib markii wada-shaqeynta labada Aqal ay hoos u dhacday, isla markaana Aqalka Sare uu dhaliin xooggan u jeediyay Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo ka hadlayay khilaafka labada Gole, ayaa caddeeyay in khilaafkooda uusan salka ku heynin ansixinta iyo dooda Dastuurka dalka.

Labada Aqalka waxaa ay isku khilaafsanyihiin hab-raaca sharci dejinta dalka, ee cubtka 6-aad, madaxiisa 4-aad. Sidoo kale waxaa ay isku khilaafsanyihiin sida loo maareynayo sharciyada dalka, inta badan waxaan kasoo saarnay dekuminti sharciyeysan oo qodobeysan oo yaalla xafiisyad dowladda, ayuu yiri Guddoomiye Bukhaari.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira