Warar 

Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb saddex

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay soo saaray war-saxaafadeed, ayaa soo dhoweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb saddex oo lagu go’aamiyay nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka Soomaaliya sannadka 2020\2021.

Madasha ayaa heshiiskaasi ku tilmaamtay in uu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah balse waxaa ay ku baaqeen in la doono maamuladdii ka maqnaa shirka, kuwaasi oo kala ahaa Puntland iyo Jubbaland.

Saddex maamul Goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda federalka, ayaa ka qeyb-galay shirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayay xiritaankii shirka, ayaa caddeeyay in isaga iyo madaxda ka qeyb-gashay shirkaasi ay kala joogeen masaafo u dhexeysa cirka iyo dhulka.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka-

Warar kale oo la xiriira