Baarlamaanka Warar 

Guddiyada Dastuurka oo ka shiray arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka

Guddiyada Dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay kulamadooda ku yeelanayay aalada Zoom-ka tan iyo markii cudurka COVID-19 dalka uu ka dilaacay, ayaa shalay kulan fool ka fool ah isugu yimid magaalada Mogadishu. 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa yiri, labada Guddi oo ah labo guddi oo mataanna ah ayaa mar walba iskaashi iyo wada shaqeyn joogta ah ka leh howshan masiiriga ee culus ee ah dib-u-eegista iyo dhammeystirka Dastuurka.

Ujeedka kulankii shalay ayaa ahaa dib u milicsi howlaha sidii ay ahaayeen, howlaha hadda halka ay marayaan iyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Guddiyada ayaa isku ammaanay iyada oo uu jiro xanuunka coronavirus in haddana ay shaqada wadeen.

Dad badan ayaa aad u dhaliilsan Dastuurka, kuwaas oo sheegaya in shaqadiisa aan dhammaad laheyd. Bishii June ee sannadkan ayaa la saadaalinayay in la soo gaba gaben doono Dastuurka balse xubnaha guddiga ayaa sheegay in coronavirus uu soo dhex galay.

Hassan istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira