Warar 

Juxa “Madaxweynuhu wuxuu ku doodayaa xaggeey Dastuurka kaga taalaa in 30 beri lagu magacaabo Raysal Wasaaraha”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa lagu eedeynayaa in uu dhaafay muddadii 30-ka casha aheyd ee uu kusoo magacaabi lahaa Ra’iisul wasaarihiisa cusub. 

Cabdi Faarax Juxa, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa yiri “Madaxweyne Farmaajo weli ma magacaabin Raysal Wasaare, waqtigii laysla yiqiinna waa dhamaaday. Madaxweynuhu wuxuu ku doodayaa xaggee Dastuurka kaga taal in 30 beri lagu magacaabo Raysal Wasaaraha?

Madaxweyne Farmajo ayaa laga rabaa inuu dadka ku qanciyo sharciga u banneeyey inuu magacaabidda Raysal Wasaaraha haysto in ka badan 30 cisho.  Hadduu Madaxweynuhu mudadii sunnaha Dawladnimada dhaafay, qiil sharciyeedna uusan keenin waxaa dhalanaya su’aalo iyo shaki, ayuu hadalkiisu sii raaciyay kaddib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

25-kii bishii hore ayaa Baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdeyn xukuumaddii Xasan Cali Kheire.

Warar kale oo la xiriira