Warar 

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen  Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator  Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka hor yimid shirkii Dhuusamareeb, ayaa lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb.

Warar kale oo la xiriira