Baarlamaanka Warar 

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka dhegeystay Wasiirka Warfaafinta

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. 

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,  Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde) oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Eng. Maxamed Ciise ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan waaxyaha  kala duwan ee Wasaaradda si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka Puntland u hayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa lagu sheegay mid qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.

Warar kale oo la xiriira