Warar 

Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada guddiga u qabsoomtay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan.

Madaxweyne Deni waxaa ka go’an hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Xukuumaduna waa garab taagantahay Guddiga, iyadoo la illaalinayo madax banaanidooda, ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo habeen ka hor kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland ayaa uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira