Baarlamaanka Warar 

“Anniga waxaan waardiye ka ahay shidaalka Hirshabeelle, dowlad xoog leh oo hantideena damaannad qaadeyso uma jeedo”

Senator Muuse Suudi, oo kamid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in deg-deg lixaad leh uu ka muuqdo howlaha iyo dadaalka shidaal baarista dalka Soomaaliya, isagoonna soo jeediyay in arrimaha shidaalka lala sugo dowlado xoog leh oo damaannad qaadeysa hantida dalka Soomaaliya.

Waxaa keliya la doonayaa in shirkado balaayo lacag looga qaato shidaalka dalka, iyada oo lasoo sameysanayo warqado laga soo saxiixo Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha oo qorshaha kula jiro uu mid saxiixo iyo saxiixa madaxweynaha, ayuu yiri.

“Waxa loo deg-degaayo, oo warqadaha loo suubsanaayo oo la beec-geyn rabo, iyadoo dekadeedana ay dac tahay, waa reer Hirshabeelle iyo Mogadishu. Reer Hirshabeelle badda wey kala xigaan, anniga waxaan ahay waardiye. Waxaan arkay dad gacan u taagaya oo raba in ay wadaan, woxoodana ay u xanibanyihiin waxana ay dhihi rabaan halambooy, wasiirka waxbadan oo ka farxiya wuu arkay laakiin kama farxinayo”, ayuu yiri.

“Dowlad xoog leh oo shidaalka qodaayo oo hantideena damaannad qaadayo uma jeedo, doomo aan wax ku ilaashanana ma qabno. Bariiskii iyo baastadii naloo soo gudbinayay ayaa maraakiib islaameed ay soo gudbisaa kulluunkeena ayaan ilaashan weynay, shidaalkan Ilaahey noo ilaaliyay badda ka hoose ayuu ku jiraa, burcad batrool ma ilaalin karno”, ayuu kusoo gunaanuday.

Warar kale oo la xiriira