Baarlamaanka Warar 

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland oo maanta warbixinno ka dhegeystay Wasiirka Shaqada iyo Agaasimaha Guud

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta warbixinno ka dhegeystay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha DPL, Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa lagu sheegay mid qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.

Warar kale oo la xiriira