Baarlamaanka Warar 

Guddiyada Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka shiray dib-u-eegista iyo dar-dar-gelin Dastuurka

Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Labada guddi ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii howlaha dib-u-eegista dastuurka loo dar-dar-gelin lahaa inta waqtiga Baarlamaanka 10aad ka dhiman.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka dhegeystay Guddiga, waxaana ay caddeeyeen in Dastuurka shaqadiisa ay mareyso meel gaba-gaba ah, inkasta oo cudurka COVID-19 uu kasoo dhax-galay shaqooyinka.

Guddiyada Dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay kulamadooda ku yeelanayay aalada Zoom-ka tan iyo markii cudurka COVID-19 dalka uu ka dilaacay, ayaa todobaadkan kulan fool ka fool ah isugu yimid magaalada Mogadishu.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa yiri, labada Guddi oo ah labo guddi oo mataanna ah ayaa mar walba iskaashi iyo wada shaqeyn joogta ah ka leh howshan masiiriga ee culus ee ah dib-u-eegista iyo dhammeystirka Dastuurka.

Ujeedka kulankoodii ayaa ahaa dib u milicsi howlaha sidii ay ahaayeen, howlaha hadda halka ay marayaan iyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira