Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay xeerka Saxaafada oo suxufiyiinta ay ka muujinayeen walaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saxiixay xeerka saxaafada, kaas oo labada Aqal ee Baarlamaanka ay soo ansixiyeen, 8-dii July sannadkii 2019-ka iyo 14 January sannadka 2020.

Saxafiyiinta iyo ururada warbaahinta ayaa walaac xooggan iyo doodo ka qabay xeerka ka hor iyo kaddib inta aan loo gudbin madaxweynaha Soomaaliya. Warbaahinta ayaa dhowr jeer la kulmay Guddiyada Baarlamaanka, balse cabashadii saxafiyiinta si la dhammeystiran looma xalin.

Maxamed Ibraahim Macalimuu xoghayaha Ururka Suxufiyiinta FESOJ ayaa sheegay in qodobada ugu waaweyn ee cabashada Saxaafaddu ku wajahan tahay ay yihiin:

Qaabka xeerku farayo in uu u dhismo golaha saxaafadda Qaranka.

Maxkamadaha awoodda ama Ikhtisaaska u leh gelidda dacwooyinka la xiriira Warbaahinta.

Hannaanka Ruqsadda Warbaahinta loo bixinayo & lacagaha dabaajiga.

Iyo Nuuca ay noqonayaan Dacwooyinka xiriirka la leh saxaafadda.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada SOomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Xeerkani uu yahay mid ilaalinaya Saxaafada oo aysan sahlaneyn inuu SHaqsi iska xiro Wariyaha uu Shaqadiisa ku jira.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira