Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo loo doortay xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La-xisaabtanka Hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka ayaa shalay xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa, kula kulmay sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara.

Kulanka oo ay shir-gudoomineysay ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan, ayaa ajandihiisu uu ahaa Xeerka Hay’addaha aan Dowliga aheyn iyo doorashada Xog-hayaha Guudiga Maaliyadda.

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Worsheynta Xildhibaan Jamaal Maxamed Xassan waxaana uu warbixin kooban ka siiyey Xeerka Hay’addaha aan dowliga aheyn ahmiyada uu u leeyahay Dalka.

Ugu dambeyn guddiga ayaa u doortay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin inuu noqdo Xog-hayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka.

Warar kale oo la xiriira