Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddiyada Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa shalay la kulmay guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa ka dhagaystay warbixin ku aadan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo caqabadaha hortaaggan dhammaystirka Dastuurka, madaama guddiyada laga sugayo in ay soo dhammeeyaan howsha Dastuurka.

Mudane Mursal, ayaa bogaadiyey hawsha ay qabteyn labada guddi isaga oo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadahaas.

Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalin ka hor kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Labada guddi ayaa guddoomiyaha kala hadlay sidii howlaha dib-u-eegista dastuurka loo dar-dar-gelin lahaa inta waqtiga Baarlamaanka 10aad ka dhiman.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka dhegeystay Guddiga, waxaana ay caddeeyeen in Dastuurka shaqadiisa ay mareyso meel gaba-gaba ah, inkasta oo cudurka COVID-19 uu kasoo dhax-galay shaqooyinka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira