Falanqeyn 

Waxaan akhriyay Nuqulka Hindise Sharciyeedka Xeerka Warbaahinta ee la saxeexay

Sida ku xusan Qodobka 2aad ee xeerkan, mabaadi’da guud ee xeerkan waxa lagu saleeyey iyadoo laga duulayo qodobka 18aad ee Dastuurka KMG ah, lana tixgelinayo ahamiyadda ballaadhan ee warbaahintu u leedahay horumarka aadamaha. Sidaasidaraadeed, xeerkani waxa uu dammaanad qaadayaa xorriyadda warbaahinta, waxaana reebban qaab kasta oo cabudhin warbaahineed ah.

Dhinaca kale, Qodobka 3aad ee xeerkani waxa uu ballan qaadayaa xorriyadda iyo madaxbannaanida warbaahinta si ay u fuliso hawlaheeda warbaahineed.

Qodobka 4aad ee xeerku waxa uu leeyahay warbaahinta xorta ah waxa ka reebban “hurinta colaadda ama dhiirri-gelinta qabyaaladda; iyo baahinta warar nacayb iyo xagjirnimo ku salaysan”

Halkan, waxa iyaduna fiiro u baahan macnaha ereyga ‘Xagjirnimo’. Innaga agteena maxaa Xagjir ah. Ma dhici kartaa in ashkhaas ama kooxo gaar ah lagu calaamadiyo Xagjir iyada oo ujjeeddooyin siyaasadeed ama dhaqaale laga leeyahay, ka dibna la duudsiyo xuquuqdooda, lana xidho xarumahooda warbaahineed.

Qodobka 9aad ee xeerkani waxa uu shuruud ka dhigayaa marka warbaahin la furanaayo, in ay jirto baahi loo qabo furashadeeda.

Tani waxay marmarsiiyo u noqon kartaa in ciddii la doono, loo diidi karo lahaanshiiyaha iyo furashada xarumo warbaahineed, iyada oo loo cuskanayo qodobkan sharci ee sheegaya in warbaahinta loo furan karo, haddii ay jirto baahi, baahidaas, cidda jaangoynaysa, lama sheegin.

Sidoo kale, waxa faahfaahin u baahan, macnaha ereyga ‘Qorshaha Qaranka’. Waa kee Qorshaha Qaranku?

Qodobka 11aad ee xeerku waxa uu shuruudaha bixinta Shatiga ku darayaa in la soo gudbiyo dhaqaalaha xarunta warbaahineed lagu aasaasayo iyo cidda bixinaysa.

Halkani, waa meel kale oo hubsiimo u baahan. Dhaqaalaha ku baxaya iyo cidda bixinaysa! Waxa dhici karta iin dad gaar ah iyo cid gaar ah iyo dhaqaale gaar ah aan loo ogolaanin in ay xarumo warbaahineed yeeshaan. Sababo jira, ama jiri kara ama sababo siyaasadeed aawadeed.

Qodobka 12aad waxa uu ka hadlayaa furashada xarumaha warbaahineed, ka dibna waxa uu leeyahay “waxa loo ogolyahay in ay xarun warbaahineed furato, cid kasta ‘hadii aanu sharcigu si kale u sheegin”. Haddaba maxaa looga jeedaa ‘hadii aanu sharcigu si kale u sheegin’. Saw ma dhici karto in la soo saaro liiska dad, hay’ado, ururo ama daneeyayaal laga mamnuuco in ay warbaahin yeelan karaan ama kuwo hadda jira la xidhi karo.

Qodobka 14aad waxa uu ku saabsanyahay asaaska Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed. Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka, waxa uu ka koobanyahay 9 xubnood, waxa warbaahinta dawladda ka imanaya saddex xubnood, halkan warbaahinta madaxabannaan ay ka imanayaan saddex xubnood. Halkan waxa ku jirta dheeli. Xarumaha warbaahineed ee madaxabannaan ayaa aad uga badan, xarumaha warbaahineed ee dawladda, waxaanay ahayd in tirada si kale loo dhigo.

Qodobka 18aad ee xeerkani waxa uu ka hadlayaa Diiwaanka Wariyeyaasha. Waxa uu leeyahay “qof kasta oo ku shaqaynaya xirfad Wariyenimo waxa lagu qorayaa diiwaanka Wariyeyaasha ka dib marka la hubiyo xirfadiisa Wariyenimo isla markaana Goluhu u soo gudbiyo Wasaaradaha Warfaafinta, si loo siiyo warqadda aqoonsiga wariyenimada ka dib marka uu buuxiyo shuruudaha”

Halkani, waxay u muuqan kartaa faafreeb. Wasaaradda Warfaafintu waxay halkan u adeegsan kartaa in qofkii ay doonto ay u diidi karto aqoonsiga wariyenimo, iyada oo raacaysa xeerkan.

Qodobka 34aad, isaguna waxa uu leeyahay “Wariye waxaa noqon karo qof kasta oo haysta Shahaado Jaamacadeed ama leh xirfad Warbaahineed, kuna dhex jiray mihnadda Warbaahinta muddo labo sano ah ama ka badan”

Halkan, waxa is waydiin u baahan, qofka ku dhex jiray mihnadda muddo ka yar laba sanno, maxaa loo tixgelinayaa? Sidoo kale, shahaadada jaamacaddeed ee qofka laga rabaa waa noocma? Qofka saxaafadda bartay ilaa heer jaamacaddeed iyo qofka aqoon kale oo jaamacaddeed bartay, ma isku si ayaa loo tixgelinayaa?

Qodobka 39aad ee xeerkan, wasiirka Warfaafinta waxa awood loo siiyay in uu wax ka beddeli karo Golaha Qaran ee Warbaahinta iyo waliba in uu qaadi karo wixii kale ee tallaabooyin ah ee uu u arko danta Qaranka! Danta Qaranka sidee loo cabbiri karaa si ‘Danta Qaranka’ iyo ‘Danta Wasiirka’ loo kala ilaaliyo iyaduna waa dood kale oo xoog leh.

FG: waxa sidoo kale jira qodobbo xeerkan ka mid ah oo la xidhiidha ilaalinta ilaha xogta iyo macluumaadka oo sidan si ka faahfaahsan kana wanaagsan loo qori karo, haddii aanay jirin is diidsiin iyo dano gaar ahaaneed oo cidda soo hindistay ay ka leedahay.

W/Q: Nageeye Cali Khaliif

Warar kale oo la xiriira