Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyoodey dalka Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo shalay ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Marxuum Daa’uud Nuur Muuse waxa uu ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee hadda.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladiisii.

Warar kale oo la xiriira