Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Galmudug oo maanta yeeshay kulankii 1-aad ee Kalfadhiga Labaad

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta shir-gudoominayay Kalfadhiga 2-aad kulankiisa 1-aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Fadhigii maanta ayaa looga hadlay xaaladda guud ee maamulka iyo sidoo kale dardar-galinta shaqooyinka Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa habeen ka hor furay Kalfadhiga 2-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Galmudug.

Xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacday xarunta Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira