Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daah-furay kalfadhiga labaad ee Barlamaanka Galmudug

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Dhuusamareb uga qayb-galay munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Munaasabaddaas, waxaa sidoo kale ka qeyb-galay madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor),Sanataro, Wasiiro, maamulka caasimada galmudug iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay, waxaa khudbad dheer ka jeediyey Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Aqalka Sare uu Baarlamaanka Galmudug usoo diri doonno Guddiyo. Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa khubad uu ka jeediyey munaasabada ku soo bandhiga qorshayaasha horyaala baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.

Ugu dambayn waxaa munaasabada soo gaba-gabeeyey madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) waxa uuna si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka kal-fadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug.

Warar kale oo la xiriira