Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu Magacaabay Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeelle.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Cusmaan Maxamed Mukhtaar, Saciid Hagar isagana uu ka yahay guddoomiye ku xigeen.

Hirshabeelle ayaa ka hor sannadkan gali doonta doorashada guud, iyadoonna musharaxiin badan ay u taaganyihiin xilka.

Halkaan hoos ka akhriso wareegtada:-

Warar kale oo la xiriira