Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye Cabdi Xaashi “Dal kasta oo qaata nidaamka Federaalka, waa qasab in uu yeesho labo aqal”

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa habeen ka hor furay Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug.

Khudbada Guddoomiyaha ayaa waxaa uu kaga hadlay dadaalada maamulka, gaar ahaan Baarlamaanka, waxaana uu ammaanay madaxda maamulka Galmudug.

Mudane Xaashi ayaa sheegay in dal kasta oo adduunka ah ee qaata nidaamka Federaalka in ay qasab tahay in uu yeesho labo aqal, balse waxaa uu xusay in dalka Soomaaliya wali uu ku cusub yahay nidaamka.

Aqalka Sare waxaa uu qaabilsanyahay maamul gobolleedyada, sidaasi awgeed hadda kaddib waan isku xirmeynnaa waana wada soconeynaa. Sidda aan maanta idinku imid ayey noqoneysaa in ay guddiyo idin yimaadaan ama aad idinku timaadaan oo ay noqoto in aan fakar iyo talo is dhaafsano isu gacan qabano, ayuu hadalkiisa kusoo gunaanuday.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhexeeyay khilaaf, kaas oo aad looga dareemay dhammaan xafiisyada dowladda Federaalka iyo maamul-gobolleedyada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira