Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay in shirkii Dhuusamareeb saddex uu yahay mid mira dhalay

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo heshiiskii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb saddex ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb-galay saddex maamul oo kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, Gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe, waxaana ka maqnaa maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Mudane Jeesow, ayaa sheegay in shirkaasi uu u arko mid mira dhalay oo guuleystay, madaama ay soo saareen doorashada nooceeda, taas oo hadda ka dhici karta dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa dhinaca kale sheegay in marka Baarlamaanka la keenno heshiiska, in lagu sameyn doono wax ka baddel, wax ku darid ama wax ka dhimid.

Warar kale oo la xiriira