Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaliyeed, kaas oo Golaha uu ka doodayay muddooyinkii lasoo dhaafay. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa si wada jir ah u shir-guddoominayay kulanka. 

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in 139 Mudane ay oggolaatay Hindise Sharciyeedka, iyadoo ay diideen labo mudane, mana jirin mudane ka aamusay.

Dhinaca kale xildhibaannada ayaa isla maanta ka dooday akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed

iyo akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed.

Sidoo kale waxaa loo qeybiyay dib-u-eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey, taas oo la filayo in Golaha lagu soo celiyo.

Warar kale oo la xiriira