Baarlamaanka Warar 

Guddiga Arrimaha Bulshada Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL oo maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Caafimaadka DPL, ayaa halkaas warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL, Jaamac Faarax Xassan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Cabdrisaaq Xirsi Xassan ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Puntland ayaa ka mid ah deeggaanada wali uu saameynta ku leeyahay cudurka COVID waxaan a wali wasaaradda caafimaadka ay waddaa dadaallo xooggan.

Kormeerka Guddiga ayaa ayaa lagu sheegay in uu qeyb kayahay shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ku tagayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.

 

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Warar kale oo la xiriira