Warar 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland kusoo dhoweeyay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Wasiirro iyo xilidhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Labada madaxweyne ayaa la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

Labada maamul ayaa dhawaan qaadacay qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb saddex, kaas oo qodobadii kasoo baxay ay caddeynayeen nooca doorasho ee dalka Soomaaliya ka dhaca.

 

Warar kale oo la xiriira