Warar 

Madaxweynaha Jubbaland iyo safiirka Mareykanka oo ka wada hadlay sii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Mogadishu kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka uga mahad celiyay Tageerada ay Ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Wasiirro iyo xilidhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweey Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubbaland Axmed Madoobe.

Labada madaxweyne ayaa la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka 2020/2021.

Warar kale oo la xiriira