Warar 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in ay yimaadaan maagaalada Mogadishu, oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, ayaa kulan la qaadan doona madaxda dowladda federaalka si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka, madaama labada maamul ay ka maqnaayeen shirkii Dhuusamareeb saddex.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde , iyadoo halkaasi laga celinayay Dadka iyo Gaadiidka.

Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Warar kale oo la xiriira