Baarlamaanka Warar 

Sii hayaha Wasiirka Beeraha oo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka geeyay afar sharci

Sii hayaha Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukumada Faderaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid, ayaa shalay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay ilaa afar sharci, oo wasaaradiisa ay kasoo shaqeyneysay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Sharciyada ayaa kala ah

  1. Sharciga Hay’adda Adeegga Baaritaanada Beeraha SARIS
  2. Sharciga Badbaadada Dhir Beereedka
  3. Sharciga Kiimikada Beeraha
  4. Sharciga Abuurka

Beeraha dalka waxaa ay waligooda ahaan jireen ayna ahaan doonaan laf dhabarta dhaqaallaha dalka, waana ilaha dhaqaallo iyo shaqo, balse waxaa jira cawaaqib xumo ka dhalatay dagaalladii sokeeye iyo abaaro soo noq noqday, taas oo keentay in ay hoos u dhacdo awoodii wax soo saarka dalka Soomaaliya, ayuu yiri wasiirka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la filayaa marka ay soo falanqeeyaan kaddib ay dood gelin doonaan sharciyada, waxaana la filayaa in bishan gudaheeda Golaha dib loogu soo celiyo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira