Baarlamaanka Warar 

Hoggaanka Xisbiga UPD iyo xildhibaannada ugu jira labada gole oo ka wada-hadlay go’aannada masiiriga ah ee Dadka

Hoggaanka sare ee xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka “UPD” iyo qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ugu jira xisbiga ayaa kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga.

Xildhibaannada iyo hoggaanka ayaa kulankooda uga wadahadlay arimaha Doorashooyinka iyo go’aanadda masiiriga ah ee hor yaala xildhibaanada.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen qaar ka mid ah xubnaha golaha fulinta ee xisbiga ayaa waxaa si aad ah loogu falanqeeyay arimaha doorashooyinka, waqtii loogu talagalay ee gabaabsiga ah iyo sida xukuumadda talada heysa ay ugu guul darreysatay qabashada nooc doorasho oo la isku raacsan yahay.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamo mudooyinkii dambe ay mas’uuliyiinta xisbiga UPD uga arinsanayeen jahawareerka siyaasaddeed ee dalka ka jira iyo sidii looga badbaadi lahaa in uu dalku galo firaaq dastuuri ah, sida uu sheegay hoggaanka.

Warar kale oo la xiriira