Warar 

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo Wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay xaalada kala guurka ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka sannadka 2020/21. 

Hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa saacadaha  soo aadan kulan la qaadan doona madaxweynaha dalka, si ay uga wada hadlaan qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb saddex, oo labada maamul ay ka hor yimaadeen.

Warar kale oo la xiriira