Warar 

Wakiilada Beesha Caalamka oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Mogadishu ugu furmaya Puntland, Jubbaland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shalay kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe , IGAD, African Union iyo Talyaaniga.

Kulanka oo xubno ka mid ah Wakiilada ay kaga qeybgaleen hab maqal iyo muuqaal ah waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa caddeeyay sida heshiis loo dhan yahay uu dan guud ugu jiro dhammaan ummadda Soomaaliyeed, iyagoona rajo wanaagsan ka muujiyay heshiis loo dhan yahay.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxda Puntland iyo Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka kulankooda uu ka furmo magaalada Mogadishu. 

Labada Madaxweyne ayaa horray uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb saddex. 

Warar kale oo la xiriira