Falanqeyn 

Garnaqsi: xoriyadda saxaafadda iyo xaqiiqda hortaalla

Marka hore iga guddooma salaan iyo tixgalin,marka xigtana qoramadaan kooban ayaan u arkay in ay malaha fiicnaanlahayd in aan soo bandhigo ka dib qiimayn aan ku salaysnayn aragti siyaasadeed balse salka ku haysa Xog-ogaalnimo iyo dhab ka hadal aan isleeyahay ameey tahay xilligii ku haboonaa.

Aragtidaan, waxeey isoo baxday ka dib markii aan dib ugu noqday xusuustayda 17 Sano oo aan ka mid ahay bahda saxaafadda iyo 11 Sano oo aan ka tirsanaa masuuliyiinta Wasaaradda ay hoos-tagaan Saxafiyiintu, isla markaana isku dayay bal in aan fahmo halka ay sartu ka qurunsantahay aniga oo aan u eexanaynin labada dhinac ee arintu dhextaalo oo kala ah,

1- Saxaafadda Madaxabanaan oo aan kusoo qaatay Lix Sano, Sideed jeer la ii xiray, mar la ii dhaawacay, labo marna la ii musaafuriyay isla markaana aan u hayo laxow balaaran una arko halka uu u dhamaanayo mustaqbalkaygu IA iyo

2- Dawladda oo ushaqaynayay 11 Sano oo aan xilliyo adag oo badan usoo maray, halis ugu bareeray, kuna waayay walaalo aan jeclahay sidaas awgeedna u arko mid aanay la’aanteed jirikarin sharaf iyo karaamo uu sheegto Qof naga mid ah.

Codsi, aqriste fadlan adigoon wada aqrin go’aan ha qaadan.

Ugu horayn, waxaan aaminsanahay in aanay Soomaaliya ka jirin Siyaasad Dawladeed oo aaminsan Mabd’ahaan in la caburiyo Saxaafadda waana sababaynayaa, balse waxaa jira xaalado isdiidan una baahan isla qirasho iyo isla qaadasho iyana waa fasiridoonaa.

Soomaaliya kama jirto Siyaasad Caburisa Saxaafadda,

Aan sababeeyo in aanay Dalkeenna ka jirin Siyaasad caburineed inta aan ogahay oo ku siman mudada aan ushaqaynayay Dawladda ee kor ku cayiman.

Waxaan udaliishanayaa, mudadaas 11-ka Sano ah oo aan ka mid ah masuuliyiinta talada ku lahaa arrimaha Saxaafadda ee Wasaaradda, Midkoodna kama maqal, nama farin, talana nooguma soo jeedin in la caburiyo Saxafi ama Warbaahin 15 Wasiir oo Wasaaradda soomaray, Sideed Ra’iisulwasaare iyo Sadex Madaxwayne oo aan lasoo shaqeeyay anigoo u hadlaya si ka fog wax qarin waa haddii aad I rumaysanayso, marka taasi waxeey si niyad ah iigu qancisay in aanay jirin Siyaasad Dawldeed oo caburin ah, balse waxaa jira xaalado isdiidan oo ubaahan in aan garwaaqsano si aan mushkulada u fahamno xalinteeda ka hor.

Waa maxeey xaaladahaasi?

marka aad joogto Soomaaliyada Qarniga 21-aad, waxaa jira labo arrimood oo Sal u ah shaqada Dawladkasta oo nasoo martay mudadii 20-kii Sano ahayd dib udhiska Dawladnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira masuuliyad Xirfadeed oo saaran Saxafiyiinta Madaxa Banaan ee isla mudada kor ku qoran iyana soo Hana qaaday, kuwaas oo midba mid ku yahay halis haddii aan lahelin Bisayl ku dhisan aqoon iyo kala garqaadasho oo inaga oo isla ogol aan ku maarayno.

Maxeey udirantahay Dawladdu?

Dawladkasta waxaa laga sugayay walina laga sugayaa in ay xaliso labo arrimood oo kala ah,

1- in ay soo celiso Amniga Dal ay ka burbureen waxkasta oo loo kaashado nabadgalyada dadkiisuna leeyihiin boogo halis ah haddii la danqiyo.

2- in ay isku hayso Dawladnimada kabkabka ah ee ka kooban qabaail aan is ogolayn oo kala shakisan una baahan in aanay kala xarig furan taas oo ah wax ku dhicikara si aad usahlan, waana in ay gudataa xilkaas iyadoo isha ku haysa halis kasta oo ku imaankarta.

Muxuu udiranyahay Saxafigu?

Dhanka kale, Saxafikasta, wuxuu udiranyahay in uu soo bandhigo xogta ugu xasaasisan ugana xiisaha badan isaga oo aan eegaynin saamaynta ay ku yeelankarto shaqada aan kor ku xusay.

Sida caqligu na tusayo, isma jeclaankaraan, Askariga udiran Amnigaas jilicsan ee doonayo in uu daboolo halka uu ka nugulyahay isagoo waliba ay haystaan duruufo aad uqalafsan oo ciriiri galinaya iyo Saxafiga ugaarsanaya halka ay biya daynayso Shaqada Askarigaas, isagoo wajahaya caqabado la mid ah kuwa haysta Askariga.

Si la mid ah, caqligu wuxuu na tusayaa in aanay is jeclaankarin Masuulka Loo dhiibay Dawlad ka kooban Qabaail kala boodsan loogana fadhiyo in aanay kala tagin inta loo dhiibay isla markaana wax ku daro intii loo dhiibay, iyo Saxafiga raadsanaya halka ay ka daloosho shaqada Masuulkaas, isagoo aan eegaynin xitaa haddii baahintiisu keenayso in ay kala furmaan xargaha Dawladeed ee aan dhuuqsanayn.

Maxeey tahay ciladdu?

Fahamkayga gaaban kuna qotoma sharaxaadda kore, halka ay sartu ka qurunsantahay waa jiritaanka Xaaladaha aan soo xusay ee aan midba mid gacansiinaynin oo ay dheertahay in ay meesha ka maqantahay Shuruuc kala xadaysa dhinacyada iyo garnaqsi dhab ah oo noo horseeda in aan isla garano boogta ka dibna dawadii si wada jir ah uraadino

Xalku waa maxeey?

Shaqsiyan, waxaan arkaa dhawr talaabo oo lagama maarmaan ah,

1– horta cudur aan lagaran lama daweeyee waa muhiim in aan isla garanayo halka aan ka jiranahay.

2- waa in aan helnaa wax qoran ( Sharci ) kala xadeeya dhinacyada kaas oo ku salaysan duruufaha iyo danaha guud.

3- waa in aan ku qanacnaa in xalku ku jiro dhexdiina fariimaheenuna noqdaan kuwa innaga nagu socda isla markaana xaldoon ah.

4- waa in aan ka dheeraanaa dano kasta oo ku salaysan macaash ka raadin mushkulad taagan, isla markaana gardhaqsigu dhexmaro saamilayda saxda ee arinku taabanayo.

FG: Qormadaani waa aragtidayda shaqsiga ah.

Wixii aan saxay alle xagii ayay ka ahaadeen wixii aan qaldayna naf iyo shaydaan.

Mahadsanidiin.

Maqaalkan waxaa qoray Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf(Alcadaala) agaasimaha guud ee wasaaradsa Warfaafinta XFS

W/Q Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala

Warar kale oo la xiriira