Warar 

Kulankii Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo xalay baaqday

Xalay waxaa baaqday kulankii la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sababaha shirka u baaqday ayaa ah shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa maanta duhurkii qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku shaaciyay kulanka caawa ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, iyadop qoraalkaas loo arkayay mid Madaxtooyada ku iclaamineysay kulanka, laguna qarinayay shuruuda Jubbaland saacadihii hore ee maanta ka timid oo ka mid ahaa waxyaabihii uu la wadaagay Madaxweyne Axmed Madoobe Safiirka Mareykanka.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha

Warar kale oo la xiriira